Daawo Hiiraan: Banaanbaxyo ka dhacay Beledweyne iyo ganacsiga oo xirmey

b

Baladweyne (NN) 12/05/2016

Banaanbax weyn oo cabasho ah ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan kaas oo ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah, kadib markii sarrifka lacagta Dollarku gaarey heerkii ugu saraysey abid.

Ganacsiga ayaa xirmey, ganacsiga yar-yar ayaa sidoo kale xirnaa dadkuna dhamaantood waxay u baxeen in ay ka qayb-galaan banaanbaxa

Halkii dollar ayaa gaarey $1=3300Sh.So halka uu markii hore ka ahaa 2300 laba kun iyo saddex boqol, waxaana uu boodey hal mar 1000sh.so.

Cumar Baadiye duqa magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in dadku ka cabanayo Dollarka cirka ku dhegay iyo lacgo faalso ah oo gawaari lagu keeney. Cumar Baadiye ayaa sheegey in wixii Puntland ka cabanaysey ay iyaga hadda soo gaartey.

Duqa magaalada Beledweyne ayaa sheegey in ay go’aan ka soo saareen sarifka dollarka oo aan la dhaafin kari $1=2300Sh.So, qofkii dhaafiyana la ganaaxayo 500$ iyo xarig, gaarigii lagu qabto isaga oo sida lacag Soomaali la ganaaxayo 5000$ iyo xabsi.

Dadka aqoonta u leh arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in ay tahay wax lala yaabo in maamulku go’aamiyo sicirka sarrifka, ama maamulku sida uu rabo u jaangoyn karo, xitaa Nebi Muaxamed (nnkh) uu diidey in uu qiime u gooyo mar saxaabadiisi u cawdeen, laakiin maamulka ay waajib ku tahay in ay wax ka qabtaan dhibaatada keentey in sicirku kor u kaco taasna ay tahay midda hoos u dhigi karta qiimaha dollarka, tusaale ahaan lacagta Soomaaliga ah ee badatey ayaa la xanibayaa, si dalabka dollarku u yaraado.

Suuqayada Puntland ayaa Dollarku hoos u dhacay labadii maalmood ee u danbeysey kadib markii la xakameeyey gawaaridii lacagta keenyesey kuwas oo sida muuqata u wareegay dhanka Beledweyne

Comments are closed