Dawlada Soomaaliya oo Hub Kenya Laga Soo Qaaday Dib ugu Celisay Dawlada Kenya

somaliyaKenya (NN) 12/05/2016

Ciidamada Soomaaliya ee Somali National Army (SNA) ayaa shalay yeeshay shir looga hadlayay ammaanka kaasoo ay la qaateen koox dawlada Kenya u qaabilsan arimaha ammaanka.

Waxaa sidoo kale ciidanka Soomaaliya ee SNA uu ku wareejiyay hub laga helay Balad Xaawo Talaadadii kaasoo markii hore laga soo xaday ama laga soo dhacay dawlada Kenya.

Hubkaas ayaa waxaa la aaminsan yahay in xarakada Shabaab ay damacsanayd inay ku weerarto Kenya; hubkaas ayaa waxaa kujiray walxaha qarxa, rasaas iyo qoryo, waa sida hadalka loo dhigaye.

Magaalada Mandera oo xaduud la leh Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro oo is dabajoog ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii lasoo dhaafay ayay xasilooneyd ayadoo ammaankeedu uu soo hagaagay.

 

Comments are closed