Donald Trump oo sheegay inuu laabtay Hadalkii Muslim Nacaybka ahaa ee uu horay u jeediyay

donalMareykanka (NN) 12/05/2016

Murashax Donald Trump oo ah musharraxa ugu cad-cad Murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka, ayaa Dabacsanaan u Muujiyay muslimiinta, isagoo wax ka bedelay moqfikii uu markii hore ka taagnaa dadka Muslimiinta ah ee galaya dalka Mareykanka.

Trump ayaa horay u jeediyay hadal muran weyn dhaliyay, kaasoo ahaa in laga joojiyo muslimiinta inay galaan Mareykanka, waxaana hadalkaas uu kala kulmay cambaareyn iyo dhaleeceynno kala duwan oo caalamka ka imaanaysay.

Sidoo kale, Mucaaradad aad u xooggan ayuu kala kulmay hadalkaas uu ku Faquuqay dadka muslimiinta ah, balse hadda ayuu sheegay inuu arrintaas ka laabtay, inkastoo aanu sheegin inuu khalad ahaa hadalkaas.

Donald Trump oo Wareysi siinayay TV-ga Fox News ee Marseykanka ayuu sheegay inay arrintaasi ahayd oo kaliya soo jeedin, laakiinse aanu ku diidanayn muslimiinta iyo inuusan kasoo horjeedin muslimka.

Hadalkan uu murashaxa xisbiga Jamhuurigu sheegay ayaa wuxuu kaga jawaabayay hadal uu sheegay Duqa Cusub ee Magaalada London ee Xarunta Dalka Britain, Sadiq Khan oo Mulsim ah, kaasoo uu Trump walaac xooggan ka muujiyay.

Ugu dambeyn, Khan ayaa sheegay inuusan tagayn dalka Mareykanka haddii uu Donald Trump Madaxweyne ka noqdo, sababo la xiriira Caqiidadiisa, wuxuuna ku gacan-sayray hadal kasoo yeeray Trump oo ahaa in isaga uusan ku jirin Muslimiinta Mareykanka laga celinayo.

Comments are closed