JOHN KERRY: Kenya waa inaysan xirin Xeryaha Qoxootiga – ayna Shuruucda Qoxootiga Dhawrto

keeriMareykanka (NN) 12/05/2016

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Go’aanka Dowladda Kenya ay ku doonayso in ay ku xirto xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, ayna uga joojisay gabi ahaan hawlihii ay hayeen hay’adaha caawiya Qoxootiga.

Kerry ayaa sheegay inuu ugu baaqay Dowladda Kenya inay sii waddo Doorkeedii dheeraa ee Hoggaamineed ee ay magan-galyada ku siinaysay kumannaanka qof ee qoxootiga ku ah dalkeeda, kuwaasoo kasoo cararay colaadaha iyo abaaraha ka jira Waddamadooda.

Sidoo kale, Wuxuu baaqaynaa Xukuumadda Kenya inay ilaaliso Shuruucda Caalamiga ah ee Qoxootiga – oo aysan dadka Qoxootiga ah ku khasbin inay dalalkooda dib ugu laabtaan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayuu Kerry ku sheegay inay ka Mahad-celinayaan Dowladda Kenya marti-gelinta ay siisay Qoxootiga mudada fog, isagoo xusay in Dowladdiisu ay ka caawisay Dowladda Kenya Wadaagista mas’uuliyadda ay qayb ka qaadatay kaalmada Bani’aaminnimo iyo in dib u dejin loo sameeyye Qaxootiga dalkeeda ku sugan.

Dhanka kale, John Kerry ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay sii waddo la shaqaynta UNHCR sidii loo celin lahaa Qoxotiga iskood u laabanaya – iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee Sannadkii 2013-dii ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia, Kenya iyo UNHCR, kaasoo dhiirri-gelinay inay dadku si iskood ah u laabtaan.

Ugu dambeyntii, Hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Maalmo ka hor ay Xukuumadda Kenya ku Dhawaaqday in ay Xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, iyadoo shalyna sheegtay inay xeryahaas xiri doonto dhammaadka sannadkan lagu jiro.

Comments are closed