Kulan looga Hadlay Khilaaf ka Dhashay Joojinta 500 ee Shillin oo Maanta ka dhacay Laascaanood

laascaanoLaascaano (NN) 12/05/2016

Kulan ay goobjoog ka ahaayeen ganacsatada, maamulka Degmada Laascaanood & kan Gobolka Sool oo manta lagu qabtay Laascaanood ayaa looga hadlay khilaaf ka dhashay joojinta 500 ee Shilin Soomaaliga iyo sicir-barar sababay Shaqo-joojin labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa maanta lagu qabtay Laascaanood.

Shirkaan oo ay Warbaahintu dibad-joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhammaaday Wuxuu guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool uu Warbaahinta u sheegay in la isla gartay dhawr qodob oo ay ka mid ahaayeen; Inay shaqayso 500 ee shillin Soomaaliga iyo in la xakameeyo qiimaha sarifka lacagta doollarka Mareykanka oo sare ku kacay.

“Waxaan ku ballanay, In si wadajir ah loo ilaaliyo lacag degmada laga soo geliyo deegaano kala duwan taasoo sabab u ah sicir-bararka, In qiime go’an loo sameeyo sarifka Doolarka ,” ayuu yir guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool C/rashiid Xirsi Dalmar, oo intaas ku daray in kulankaas uu ahaa mid qodobadii looga hadlay la isku Af-gartay.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah ganacsatada dan-yarta ah ayaa iyaguna HOL u sheegay inay ku qanacsan yihiin tallaabada Maamulku Gobolka iyo kan degmadu ay qaadeen haddii ay sida ay tahay u fuliyaan ama uga dhabeeyaan.

Gaadiid Cod-baahiyayaal lagu soo xidhay ayaa lagu wargeliyay Ganacsatadii diidda 500 ee Shilinka Soomaaliga ay muteysanayaan Ganaax & xarig taasoo dad badan ay si weyn u soo dhaweeyeen, Iyadoo balaayiin 500 oo Shillin ay quus ka taagnaayeen, hoos u dhacna uu ku yimid  lacagta Doollarka oo maalmihii lasoo dhaafay kor u socday, iyadoo maanta gellinkii dambe lagu sarifayay halkii doollar 22,000 oo Shillin Soomaali ah, halkuu maalimihii aynu soo dhaafnay ka ahaa 25,000 oo shillin.

Ugu dambeyntii, Waxaa la filayaa in Suuqyada Laascaanood ay dib u furmaan, gaar  ahaan Suuqleyda Hilibka iibiya oo Saddex maalmood ee lasoo dhaafay aan wax shaqo ah qaban.

Comments are closed