Xubno Al-shabaab Looga Shakisan yahay Oo Gacanta Lagu Dhigay

13211022_1749781701966206_903238508_o

Afdheer (ESTV) 12/05/2016

Xubno looga shakisan yahay Al-shabaab balse deegaanka looga yaqaano al-qushaash ayuu sirdoonka deegaanku gacanta kusoo dhigay iyagoo sitay aqoonsiyo kaladuwan oo isugu jira kenya, maraykanka iyo ingiriiska islamarkaana kayimid dhanka Kenya. Kuwaas oo shirar ay ku abaabulayeen falal argagixiso oo kadhan ah deegaaanka iyo wadamada dariska ah kuhayay magaalooyinka buulo-xaawo, salalaw, agagaarka mandheera iyo xagar-dheer oo kamid ah meelaha ay alqushaashtu qorshayaashooda argagixisanimo kusamaystaan iyagoo waliba buulo-xaawo kulan kulayeeshay kooxo alqushaash ah oo halkaa tababar uga socday.

Hadaba xubnahan oo kakooban 6 xubnood ayaa  sida uu wariyahanaga ku sugun jiida hore eedegmada mooyaale noo sheegay inay xubnahani sheeganayaan beesha Guruur.Wuxuuna ka warbixiyay in goobaha ay kamidka yihiin tuulo barwaaqo, dodon-dhowe oo xero tababar ah,ceelcade oo dhanka kenya ah, golwayn oo ay habeen hore kasoo tageen iyo Carmada intaba inay kula kulmeen kooxda al-qushaash iyagoo wacyigalin argagixisanimo waday.

Si kastaba ha ahaatee hay’adaha amniga DDSI ayaa ku hawlan baadhista iyo xaqiijinta xubnahan looga shakisanyahay al-qushaash iyagoo hay’adahani hadh iyo habeenba si balaadhan uga warhaya xadka xuduuda dheer ee wadanka itoobiya uu laleeyahay wadamada dariska la ah.

13235800_1749781681966208_766508744_n

Comments are closed