Daawo Doorashada USA: Trump oo gorgortan kula jira Hogaanka sare ee xisbigiisa

donalMareykanka (NN) 13/05/2016

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Hogaanka sare ee xisbigiisa oo in badan oo kamid ah kasoo horjeedaan inuu noqdo Murashaxooda isla markaana diiday inay taageeraan.

Trump ayaa kulan magaalada Washington kula yeeshay Madaxda sare ee xisbiga Jamhuuriga oo uu hogaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Maraykanka Paul Ryan oo isagu illaa iyo hada diidan inuu shaqsiyan taageero murashaxnimada Donald Trump oo si weyn ugu guuleystay codbixinta horudhaca ah ee laga qaaday taageerayaasha xisbigaasi.

In badan oo kamid ah kaadiriinta xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay inaysan ka qeyb geli doonin shirweynaha xisbigaasi oo bartamaha sanadka dhacaya, halkaasi oo looga dhawaaqi doono murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi u mateli doona doorashada Madaxweynaha Maraykanka ee dhaceysa bisha November ee sanadkan.

Afhayeenka Baarlamaanka Maraykanka ayaa isagu horey uga soo horjeestay baaqii Trump ee ahaa in laga mamnuuco inay dalkaasi Maraykanka yimaadaan dhamaan dadka Muslimiinta ah, arrintaasi oo uu Donald Trump todobaadkan yara wax ka bedalay, isagoo sheegay in baaqaasi uu ahaa oo kaliya talo soo jeedin.

Paul Ryan oo la hadlay saxaafada kadib kulankii ay wada yeesheen Mr.Trump ayaa sheegay in wadahadalkaasi si wanaagsan ugu dhamaaday balse ay wakhti qaadan doonto gorgortanka iyo wadahadalka u socda Murashaxaasi iyo hogaanka xisbiga.

Hogaanka Xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya inay ku cadaadiyaan Donald Trump inuu wax ka bedalo barnaamijyadiisa isla markaana qaato barnaamijka xisbiga hadii uu doonayo taageerada buuxda ee xisbiga uu ka tirsan yahay.

 

Comments are closed