Daawo SYRIA: Hogaamiye Sare oo ka tirsan Kooxda Xisbullah oo lagu dilay Duqeyn

siiriya23Siiriya (NN) 13/05/2016

Mustafa Badreddine ayaa kamid ahaa Aasasayaasha Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah, isla markaana ahaa abaanduulayaasha militari ee ugu muhiimsan kooxdaasi.

Ninkan ayaa waxaa horey loogu eedeeyey weeraro badan oo ay kooxda Xisbullah fulisay sida qaraxyadii waaweynaa ee sanadkii 1983dii lagu burburiyey safaarada Maraykanka ee Bayruut, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 60 saraakiil Amerikaan ah. Xukuumada Maraykanka ayaa horey ninkan ugu dartay listiga dadka ay baadi-goobayaan.

Badreddine oo ahaa 55 sano jir ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ahaa ninkii soo abaabulay isla markaana fuliyey weerarkii sanadkii 2005 lagu dilay Raysalwasaarihii hore ee Lubnaan Rafik al-Hariri.

Kooxda Xisbullah ayaa xaqiijisay in hogaamiyahan uu ku dhintay duqeyn Salaasadii lasoo dhaafay ka dhacday meel u dhaw Madaarka caalamiga ah ee magaalada Dimishiq caasimada dalka Siiriya.

Hogaamiyahan ayaa isagu ahaa Taliyaha sare ee ciidamada Xisbullah ee hada ka dagaalamaya gudaha wadanka Siiriya, kuwaasi oo gacan militari siinaya xukuumada Bashar Al Assad.

Illaa iyo hada macada cida ka danbeysa duqeyntan, balse waxaa isa soo taraya warar sheegaya in weerarkan uu ahaa mid dhanka cirka ah oo ay ka danbeysay Isra’iil. Maaha markii ugu horeysay oo ay Isra’iil duqeynmo ka geysato gudaha wadanka Siiriya, waxayna inta badan la beegsataa goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha Xisbullah iyo xarumaha hubka kooxdaasi u yaala.

Isra’iil ayaa sheegta in dowlada IRAN oo ah tan hubeysan kooxda Xisbullah ay hubka culus ee kooxdaasi usoo mariso wadanka Siiriya, kadibna loo soo gudbiyo dhinaca dalka Lubnaan oo ah saldhiga kooxda Xisbullah. Sirdoonka Isra’iil ayaa horey u dilay labo nin oo ay ilmo adeer ahaayeen hogaamiyaha hada la dilay kuwaasi oo iyaguna xilal sare ka hayey ururka Xisbullah.



Comments are closed