FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay dagaal ka dhacay Maanta deegaan ku dhaw BUULO-BURTE

faafhain

Buula-burte (NN) 13/05/2016

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoog leh oo deegaan hoos-taga degmada Buula-burte ku dhex-maray ciidamada DF Somalia, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab.

Xiriir aan la sameynay ilo wareediyo kala duwan oo ku sugan degmada Buula-burte, ayaa inoo sheegay in lix ruux ay ku dhinteen dagaalka kaddib markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen gaari qaad u siday degmada oo ay toogasho ku dileen darwalkii wadday.

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Hawl-galka Midowga Afrika AMISOM oo Markii dambe gaaray goobta lagu weeraray baabuurka, ayaa dagaal culus la galay xoogag ka tirsan Al-shabaab waxaana goobta ku geeriyooday illaa shan ruux oo afar ka mid ah la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Wararka ayaa intaa ku darraya in ay jiraan gadiid la kala qabsaday, inkastoo illaa iyo hadda aysan dhameystirneyn xogta arintaa ku saabsan.

Ugu dambeyntii, Marar badan oo aan isku deynay inaan khadka teleefanka ku helno xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka degmada nooma suurtagalin, madaama sidda la sheegay ay mashquul ku ahaayeen arrimaha la xiriira dagaalka.

 

Comments are closed