Madaxweyne Xasan oo Museveni kala Hadlay Dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya

xasan iyo musafani

Uganda (NN) 13/05/2016

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri K. Museveni ayaa maanta kulan ay ku yeesheen madaxtooyada Uganda ee Entebbe, iyagoo kaga hadleen qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa qodobbada looga hadlay, waxaa ka mid ahaa is-kaashiga dhinaca Millateriga labada waddan, doorka ciidamada Uganda ee hawlgalka AMISOM, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Gobolka iyo dib u dhiska Ciidamada Somalia.

Museveni oo shalay markii shanaad loo dhaariyay xilka madaxweynaha dalka Uganda ayaa soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso dhinacyada amniga, Siyaasadda, adeegyada bulshada iyo dib u soo nooleynta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Labadan hoggaamiye ayaa isla-gorfeeyeen doorashooyinka sannadkaan inay ka dhacaan Somalia la filayo, iyadoo uu Yoweri Museveni uu aqbalay codsi gaar ah oo uu soo Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ahaa in Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah AMISOM ay doorkooda ka qaataan sugida amniga xilliga doorashada, oo ay gacan siiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ayaa isku afgartay in marka laga soo tago iskaashiga amniga loo baahan yahay in la ballaariyo dhinacyada kale ee ay labada Dal iska-kaashan karaan; sida dhaqaalaha, Waxbarashada, Tiknolojiyadda, Arrimaha Bulshada, Dhaqanka iyo Cayaaraha.

 

Comments are closed