SOMALIA: Xirista Xeryaha Qoxootiga ee Dalka Kenya Waxay kordhin karaan Falalka Argagaxiso

dhadhaabDhadhaab (NN) 13/05/2016

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay ku dhawaaqday Dowladda Kenya ee ay ku xirayso xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kakuma uu sii krodhin karo amni-darrada iyo falalka Argagaxisada, Iyadoo Kenya ay sheegtay inay xeryahaas oo ay ku jiraan Soomaali fara badan dabayaaqada Sannadkaan lagu jiro ee 2016-ka.

War-saxaafadeed ay soo Saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa lagu Xusay in go’aanka Xukuumadda Kenya ee lagu xirayo Xeryaha Qoxootiga uu Saameyn ku yeelan doono Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryahaas oo ka cararay colaado iyo abaaro soo laalaabtay oo ka dhacay Soomaaliya.

“Marka la eego xaaladda jilicsan ee ka dhalan karta go’aankan iyo tallaabooyinka Kenya ay sheegtay inay lagu dhaqaaqayo inay yihiin kuwo lagu deg-degay,” ayaa lagu yiri Bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Marka hore ay doonayso in Shacabka iyo dowladda Kenya ay uga mahad-celiso Qoxootiga Soomaalida ah ee ay marti-gelinayeen Muddo 20 sano ka badan, Sidoo kalena ay ugu lug lahayd Dhex-dhexaadinta Nabad-raadinta Colaadda dalka Soomaaliya.

“Maanta, Waxaa jira Hannaan Saddex Geesood ah oo ay Wada Saxiixdeen Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR oo ka shaqeynaya in si ammaan ah oo sharaf leh qoxootiga Somalia dalkoodii loogu celiyo. Ka tagista heshiiskan waxay noqonaysaa in Xukuumadda Kenya ay sharci ahaan iyo damiir ahaan Dhinaceeda ka fulin wayday heshiiska,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan.

Dhanka kale, Waxaa lagu sheegay Bayaanka Wasaaradda in Xukuumadda Somalia ay kala Shaqeynayso Dowladda Kenya ka Hor-tagga Argagixisada Caalamiga ah. Laakiinse Guulo Arrintan si wadajir looga gaaro waxay ku xiran tahay Wadaagidda Sirdoonka, Dhaqaalaha, Wada-shaqeynta iyo is-aaminaadda labada dal la xoojiyo.

Ugu dambeyn, Bayaanka ayaa lagu sheegay in Qaxootiga Soomaaliyeed oo xeryaha Kenya laga saaro Xilli ay Soomaaliya horumar Caalamku Ammaanay ka sameynayso Dhinacyada xasilloonida iyo Dhismaha hay’adaha Dowliga ah, waxaa keliya oo ay sii kordhinaysaa tani Nabad-gelyo la’aan ka dhacda Gobolka.

Comments are closed