Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika oo Kulan la yeeshay Taliyeyaal Booliis

kaftrikaJohannesburg (NN) 14/05/2016

Kulankan oo ay soo Qaban-qaabiyeen Jaaliyadda – Somali Community Board ee Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qayb-galay Ganacsato, Aqoon-yahan, Culummo iyo Dhallinyaro Soomaali ah, waxaana dhanka kale ka qayb-galeen taliyeyaasha Booliiska Sideed degmo oo Magaalada Johannesburg ka tirsan, kuwaasoo Soomaalida kala hadlayay Arrimo badan oo Qaladaad ah oo ay sameenayaan, looguna baaqay inay ka waan-toobaan.

kafrika1Taliye Wayne Minaar oo ahaa Xiriiriyaha kulanka ka Warbixinayay ujeeddada shirka, ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay kala hadeen sidii ay u xoojin lahaa wada-shaqeynta kala dhexeysa Booliska, si aysan uga faa’iideysan kuwa Qas-wadayaasha ah, isagoo si Gaar ah ugu mahad-celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee suuro-geliyay inuu kulankan qabsoomo, wixii hadda ka dambeeyana uu rajeynayo inay jiri doonto isu-soo dhawaansho weyn.

Sidoo kale, Xoghayaha Golaha ee Culumada Al-bayaan, Sh. Axmed Dheere oo Aragtidiisa ka dhiibtay kulanka ayaa xusay in Kulankan uu ahaa kulan yimid Xilli loo soo magacaabay Xaafadda Soomaalida ee Johannesburg Taliye cusub, isla markaana ay soo Dhaweynayeen. Wuxuu kaloo sheegay in la isku xusuusinayay Kulanka in la tix-geliyo sharciyada dalkan u yaalla, iyadoo isbedel dhanka sharciga ahna uu jiro, taaasoo ay Soomaalidu ka taxadaraan.

Guddoomiyaha – Somali Community Board Caamir Sh. Xuseen, oo ahaa Qaban-qaabiyaha kulanka Jaaliyadda iyo Booliiska Johannesburg, ayaa ka Warbixiyay ujeeddada kulanka oo ahayd inay kala hadlaan arrimaha amaanka iyo sidii loo fulin lahaa Awaamirta iyo sharciga Xukuumadda Koonfur Afrika, Wuxuuna intaas ku daray in Taliyeyaashu ay Dacwad kasoo Gudbiyeen Soomaalida oo inta badan sharciga dalka u yaalla dhinac mara, ayna ku taliyeen inay isi-saxaan.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika ayaa xilliyadii dambe ay soo wajahaysay ammaan-daro iyo Sharci-xumo ay kala kulmayeen Koonfur Afrika, iyadoo kulanka ay booliiska la qaateen laga rajeenayo in xagga ammaanka uu wax ka badali doono lana filayo inay Soomaalidu u hoggaansamaan sharciga dalkan u yaala oo aysan haatan inta badan tixgalin gaar ah siin.

Comments are closed