Xisbullah oo kooxaha Sunnida ku eedaysay dilkii Mustafa Badreddine

xisbulaahLubnaan (NN) 14/05/2016

Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah ayaa xaqiijisay in weerarkii lagu dilay Mustafa Badreddine oo kamid ahaa hogaamiyayaashooda ay ka danbeeyeen kooxaha mucaaridka ee dalkaasi Siiriya.

 

Mustafa Badreddine oo kamid ah aasaasayaasha Xisbullah isla markaana hogaaminayey ciidamada xisbullah ee taageeraya Bashar Al Assad ayaa shalay aas balaaran loogu qabtay caasimada dalka Lubnaan ee Bayruut.

Horey ayey usoo baxayeen warar sheegaya in weerarka hogaamiyahan lagu dilay uu ahaa duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka danbeysay Isra’iil balse waxaa la sheegay inuu qaraxan ahaa mid ay la eegteen kooxaha sunnida ah ee ka dagaalamaya wadanka Siiriya.



H

Comments are closed