Abaalmarino Lagudoonsiiyay Shirkadaha Farsamada

kkll1

JIGJIGA  ( ESTV) 16/05/2016

 

Munaasabad lagu abaalmarinayay waxsoosaarka faaiidada shirkadaha farsamada gacanta oo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, Heer Gobol iyo Heer Degmo oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirudawlayaal heer federal ah iyo marti sharaf kale ayaa caawa kadhacday Hoolka shirarka ee Kaali.

Hadaba mid kamid ah qorshayaasha ay xukuumadu u qaadatay in ay saboolnimada kaga saarto shacabka ayaa ah kor u qaadida waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha iyadoo sagaalka gobol ee deegaanka ka samaysay 9 kuliyadood oo lagu barto nooc kasta oo farsamo gacan ah.

Sidaadarteed, ardaydii  kaqalinjabisay kuliyadaha farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha ee gobolka shabeele, Qoraxay iyo jigjiiga ayaa la isugu xidhay shirkado soosaara qalabyada kaladuwan sida kuraasta, miisaska, sabuuradaha, sariiraha, iyo marfashyada kuwaas oo ay kamidyihiin shirkada Halgan, Tayo-wanaag, Bulxan,  Miyir, Daruuri iyo Dahare iyagoo caawa hoolka shirarka ee kaali lagu abaalmariyay kadib markii ay hirgaliyeen qorshihii ay xukuumadu saboolnimda kaga saaraysay shacabkeeda iyo kagudubkiifikirkii cidhiidhyanaa ee mashaqaystenimada.

Sikastaba ha ahaatee, shirkadahan oo isugu jira agoontii ciidanka gaarka ah, hormuudkii nabada qaatay ee horay uga midka ahaan jiray nabad diidkii UBBO, dhalintii deegaanka ee kuliyadaha farsamooyinka ka soo qalinjabisay ayaa waxaa lagu abaalmariyay waxsoosaarkoodii farsamada gacanta iyagoo dugsiyada deegaanka u sameeyay in kabadan 40kun oo kursi iyo miisas. Waxayna faa’iidada ay ka heleen waxsoosaarkoodu uu noqday sidan: shirkada Halgan 1.784,861, Tayowanaag 1.757,251,Bulxan 1,784,861, Miyir 1,512,275, Daruuri 1,092,352, Dahare 1.512,275. Kuwaas Oo wadarta faaiidada ay heleen ay noqonayso 9,443,875.

Abaalmarintan ayaa waxaa gudoonsiiyay shirkadaha wasiiiru dawlaha wasaarada isgaadhsiinta xogaha casriga ah JDFI Marwo ifraax cali muuse, wasiiru dawlaha xafiiska Raisal wasaaraha JDFI marwo farxiya Maxamed Cumar, wasiirka Xafiiska Tababarada Farsamada iyo Xirfadaha DDSI mudane Naasir Xasan Axmed iyo waliba Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad

Ugudanbayna waxaa halkaas iyana lagu abaal mariyay kuliyadaha farsamada gacanta iyo xirfadahada DDSI ee shabeele, Qoraxay, iyo Jigjiga.

Comments are closed