Daawo Iraq: 70 askari oo lagu dilay weerar ay geysteen 22 qof oo isa soo miidaamiyey

ciraqq

Ciraaq (NN) 15/05/2016

Ugu yaraan 70 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Ciraaq ayaa lagu dilay deegaanka Ameriyat Fallujah ee galbeedka uga beegan caasimada Baqdaad, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Ciraaq-duulaan-ismiidaamin

 

Kooxdan ayaa weerarkan u adeegsaday gaari lagu qarxiyey xarunta ay ciidamada ku sugnaayeen, waxaana goobtaasi gudaha u galay 22 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish oo dhamaantood la sheegay inay siteen bambaanooyinka la isku qarxiyo.

Weerarkan ayaa ah kii ugu danbeeyey ee duulaano maalmihii lasoo dhaafay ay kooxda ISIS la beegsaneysay dhulka ay gacanta ku heyso dowlada Ciraaq gaar ahaan caasimada Baqdaad iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada ayaa sheegay in qorshaha weerarkan uu ahaa in lagu hakiyo dhaq dhaqaaqa ciidamada militariga iyo maleeshiyaadka sunnida ah ee gacanta siinaya dowlada oo muddo 6 bilood ah ku hareeraysan magaalada Fallujah.

Weerar Warshad

Dhinaca kale saaka oo Axad ah ayey kooxda Daacish weerar kale ku qaaday warshada Gaas-ka wax lagu karsado oo ku taal deegaanka Taji ee waqooyiga uga beegan caasimada Baqdaad.

Weerarkaasi ayaa loo adeegsaday lix qof oo isa soo miidaamiyey oo watay gaari lasoo saaray bambaano. Dowlada ayaa sheegtay inay weerarkaasi fashilisay isla markaana dishay dhamaan kooxdii isku dayday inay gudaha u galaan Warshadaasi.

Comments are closed