Laamaha Ammaanka oo Muqdisho kusoo Bandhigay Labtop-yo lagu Diyaariyay Qaraxyo

laotopMuqdisho (NN) 15/05/2016

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka sameeyay guri ku yaala degmada H/wadaag, gaar ahaan xaafadda Nasrudiin, halkaasoo lagu diyaarinayay qaraxyo, iyagoo gacanta ku dhigay Laptop-yo lagu diyaariyay qaraxyo iyo agabyo kale agabyo kale oo warqado iyo gaari uu ku jiray.

Howl galkan oo dhacay goor sii horeysay ayaa Ciidanka NISA ugu suurta gashay inay qabtaan nin lagu tuhunsan yahay inuu diyaarinayay qaraxyadan, waxaana lala qabtay illaa todobo Laptop oo qaarkood lagu rakibay qaraxyo.

NISA ayaa sheegtay in xogta ninkan ay hayeen, isla markaana ay muddo ay daba joogeen Laamaha ammaanka, isla markaana ugu dambeyn si qorsheysan ciidamada gacanta ku soo dhigeen nin kan iyo qalabkii uu ku abaabulayay qaraxyadda sida ay laamaha Amaanka Xaqiijiyeen.

Maamulka gobolka Banaadir oo qeyb ahaan amniga muqdisho qaabilsan ayaa soo bandhigay qalabka iyo gaari afahayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in laamaha amniga ay la wareegeen laptop-yadda iyo ninka laguna xiray mid ka mid ah goobaha la geeyo dadka falalkaasi lagu soo qabto.

Ciidamadda Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanayo qeyb ahaan shacabka soomaaliyeed ayaa mudooyinkii danbe muqdisho u soo bandhiyay walaxaha qarxa iyo gawaari lagu diyaarinayay.

Comments are closed