Muqdisho (NN) 15/05/2016
Guddoomiyaha Naadiga Nakadsa, C/raxmaan Sh. Xuseen Ashcari ayaa Xubnihii ka soo qaybgalay xuskan u mahad-celiyay, isagoo sheegay in 15-May ay tahay maalin aysan hilmaami doonin Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka mira-dhaliyaan Halgankii SYL.
“Naadiga Nakadsan waxaa ka diiwaan-gashan illaa 3,000 oo dhallinyaro ah kuwaas oo bulshada u qabta hawlo kala duwan maadaama dhalinyada ay yihiin lafdhabarta bulshada,” ayuu yiri Ashcari, wuxuuna u soo jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan dowlad-wanaaga, taasoo u sheegay in lagu gaari karo horumar iyo barwaaqo.
Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii lagu marti-qaadey xuska, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, waana maalintii la aasaasay buu yiri ururkii SYL oo u soo hal-gamay xorriyadda maanta aan haysanno. Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay n dhallinyarada laga doonayo inay ka qayb-galaan Sugidda Amniga, si loo gaaro xasillooni iyo hormar waara.
“Dhalliyarada Soomaaliyeed waxaan leeahay dhibaatooyinka Dalka ka jira, waxaan uga bixi karnaa innagoo xoogga saarna nidaamka dowladnimo,” ayuu yiri Faarax C/qaadir, isagoo dhallinyarada Soomaaliyeed u soo jeediyay inay iska illaawaan in waddamo kale ay u hanqal-taagaan.Ugu dambeyn, Intii ay munaasabaddu socotay ayaa dhallinyaradii ka Qayb-gashay waxay su’aalo weydiyeen mas’uuliyiintii kasoo qayb-gashay kuwaasoo si saraaxad leh uga jawaabey su’aalaha.
Comments are closed