Naadiga NAKADSA oo Muqdisho ku Qabtay Xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May

m5Muqdisho (NN) 15/05/2016

Xaflad ballaaran oo lagu Xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, kuna beegan Sannad-guuradii 73-aad ee kasoo Wareegatay aasaaskii ururkii dhallinyardaa SYL, ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb-galay xildhibaanno, wasiirro, Ururro Dhalinyaro, Ardeyda Jaamacadaha iyo Marti-sharaf kale.

m4Guddoomiyaha Naadiga Nakadsa, C/raxmaan Sh. Xuseen Ashcari ayaa  Xubnihii ka soo qaybgalay xuskan u mahad-celiyay, isagoo sheegay in 15-May ay tahay maalin aysan hilmaami doonin Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka mira-dhaliyaan Halgankii SYL.

m3“Naadiga Nakadsan waxaa ka diiwaan-gashan illaa 3,000 oo dhallinyaro ah kuwaas oo bulshada u qabta hawlo kala duwan maadaama dhalinyada ay yihiin lafdhabarta bulshada,”  ayuu yiri Ashcari, wuxuuna u soo jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan dowlad-wanaaga, taasoo u sheegay in lagu gaari karo horumar iyo barwaaqo.

m2Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii lagu marti-qaadey xuska, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, waana maalintii la aasaasay buu yiri ururkii SYL oo u soo hal-gamay xorriyadda maanta aan haysanno. Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay n dhallinyarada laga doonayo inay ka qayb-galaan Sugidda Amniga, si loo gaaro xasillooni iyo hormar waara.

m1“Dhalliyarada Soomaaliyeed waxaan leeahay dhibaatooyinka Dalka ka jira, waxaan uga bixi karnaa innagoo xoogga saarna nidaamka dowladnimo,”  ayuu yiri Faarax C/qaadir, isagoo dhallinyarada Soomaaliyeed u soo jeediyay inay iska illaawaan in waddamo kale ay u hanqal-taagaan.

Mas’uuliyiintii kale ee ka hadlay xuska waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed C/llaahi Nuux oo u Mahad-celiyey Naadiga Nakadsa iyo intii kale ee soo Qaban-qaabisay Munaaasabadda lagu xusayay Sannad-guurada 73-aad ee kasoo wareegtey aasaaskii ururkii SYL, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka wanaagsan ee loosoo jeediyay.

Ugu dambeyn, Intii ay munaasabaddu socotay ayaa dhallinyaradii ka Qayb-gashay waxay su’aalo weydiyeen mas’uuliyiintii kasoo qayb-gashay kuwaasoo si saraaxad leh uga jawaabey su’aalaha.

 

Comments are closed