Bangaladhesh oo ay dad gaaraya 65 qof u dhinteen Biriq ku dhacday

biriqa

Bangaladhesh (NN) 17/05/2016

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayey dalka Bangaladhesh ku dhinteen dad gaaraya 65 qof oo ay ku dhacday biriq, xili wadankaasi ay ka da’ayaan roobab xoogleh.

Wadanka Bangaladhesh ayaa noqday dalka ugu dhimashada badan dadka ay ku dhacdo biriqda iyadoo arrintan cilmi baarayaasha ku saleenayaan inay la xariirto dhirta badan oo laga jaray dhulka beeraleyda oo keenta in biriqdii horey ugu dhici jirtay geedaha ay ku dhacdo dadka.

Wadanka Bangaladhesh ayaa dhica kale kamid ah dalalka ay saameynta weyn ku yeesheen sare u kaca biyaha bada oo qeybo badan oo dalkaasi kamid ah waxaa ka sare maray biyaha, taasi oo sidoo kale saameyn ku yeelatay dhulka beeraha oo ay gaareen biyaha cusbada.

Biriq

 

Arrintan ayaa keentay in dadka ay sameystaan beero cusub, waxayna dhirta ama geedaha badan ka jareen dhulka aan weli biyaha cusbada ah gaarin, arrintaasi oo keentay inay iyadana sare usii kacdo biriqda qabsaneysa dadka ku sugan dhulkaasi maadaama uu hoos u dhac weyn ku yimid tirada geedaha dhaadheer ee dhulkaasi ka baxa.

 

Comments are closed