Daawo Beesha Caalamka oo sheegtay inay hubeenayso Dowlada cusub ee Liibiya

libiyaMareykanka (NN) 17/05/2016

In ka badan 20 wadan oo ay hormuud u yihiin dalalka reer Galbeedka oo shir ku yeeshay magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa go’aan kasoo saaray xaalada dalka Liibiya.

Shirkan bilowday Isniintii shalay ayaa diirada lagu saarayey sidii gacan loo siin lahaa dowlada cusub ee Midnimo Qaran ee wadanka Liibiya, xukuumadaasi oo ka codsatay Beesha Caalamka in laga qaado cunaqabateynta hubka ee wadankaasi Saaran si ay isaga dhiciso kooxda Daacish.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry oo kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in loo baahan yahay in gacan militari lasiiyo dowlada cusub iyadoo dhinaca kale laga taxadarayo in hub cusub oo dalkaasi la geeyo ay khasaaro horleh keeno.

Shirkan looga hadlayey xaalada dalka Liibiya ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayey Wasiirada arrimaha dibada ee Maraykanka iyo Talyaaniga oo soo qaban qaabiyey shirkan, waxaana sidoo kale ku sugnaa dhamaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo laga doonayo inuu dowlada Liibiya ka qaado cunaqabateynta saaran.

Waxaase weli jirta cabsi laga qabo in hubka lagu wareejiyo dowlada cusub ay dhici karto inuu u gacan galo kooxaha kale ee ka dagaalamaya wadanka Liibiya, balse waxaa arrintaasi hada meesha ka saartay cabsida laga qabo kooxda Daacish oo wada olole balaaran oo ay dooneyso inay kula wareegto magaalooyinka muhiimka ah ee wadanka Liibiya iyo waliba xarumaha Shidaalka laga soo saaro.

 

Comments are closed