Daawo-Nairobi: Mucaaridka oo sii wada mudaharaadka ka dhan ah guddiga Doorashada

nairobiNairobi(NN)17/05/2016

Waxaa isniintii shalay markale magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ka dhacay banaanbax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen isbaheysiga xisbiyada mucaaridka ah ee CORD, mudaharaadka ayaa looga soo horjeeda guddiga doorashada.

 

Mucaaridka Kenya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay bilaabay banaanbaxooda, iyagoona wacad ku maray in isniin walba ay banaanbax ka dhigi doonaan Nairobi illaa inta laga bedalayo guddiga hada jira ee doorashooyinka.

Guddiga Doorashada ayey mucaaridka ku tilmaameen mid aan dhex dhexaad ka ahayn siyaasada Kenya isla markaana keeni kara in doorashada guud ee sanadka soo socda 2017 ay dhacaan rabshado lamid ah kuwii dadka ku dhinteen ee dhacay doorashooyinkii 2007.

Ciidamada Amaanka ayaa markale ka hortagay banaanbaxayaasha iyagoo awood u adeegsaday dadkii ka qeyb qaadanayey mudaharaadkii shalay oo ahaa mid si weyn uga duwan kii todobaadkii hore, waxaana jira dhaawacyo badan oo soo gaaray shacabka banaanbaxayey oo ay jirdil xoogleh u geysteen ciidamada amaanka.

Comments are closed