Daawo-Trump & Cameron oo hadalo kulul isdhaafsaday iyo Xiriirka Maraykanka & UK

donal

Mareykanka-(NN)17/05/2016

Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa si adag uga jawaabay eedeyn uga timid dhinaca Raysalwasaaraha UK David Cameron, isagoo sheegay in xiriirka labada dal ay wax iska bedali doono haduu xukunka qabto.

Murashaxa Jamhuuriga ayaa ka jawaabay hadal kasoo baxay Raysalwasaaraha UK David Cameron oo ku tilmaamay qorshaha Trump ku doonayo inuu Muslimiinta u diido inay tagaan dalka Maraykanka, qorshe Waali ah oo ay ka muuqato kala qeybin iyo Doqonimo.

Donald Trump oo wareysi siiyey telefishinka ITV ee dalka UK ayaa sheegay in qorshihiisa ku aadan xakameynta Muslimiinta imaneysa aysan ahayn kala qeybin, isagoo sheegay inuu si weyn u dhibsaday hadalada kasoo baxaya Raysalwasaaraha UK iyo waliba Duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan oo ah nin muslim ah.

Trump-Wareysi-Itv

 

“…Aniga DOQON maahi…” ayuu yiri Donald Trump.

Trump ayaa ku goodiyey in eedeynta uga timid UK uusan illaawi doonin, taasi oo u muuqatay hanjabaad ah inuu tilaabo qaadi doono haduu qabto xukunka Maraykanka.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa soo dhaweeyey in wadanka UK isaga baxo Midowga Yurub, isagoo sheegay in arrintaasi aysan dhaawac ku keenin doonin ganacsiga dalkaasi, baaqaasi oo u muuqday mid lidi ku ah qorshaha David Cameron ugu ololeenayo in UK aysan ka bixin EU-da. Sidoo kale Madaxweynaha Barack Obama ayaa horey uga digay in Ingiriiska uu isaga baxo Midowga Yurub.

Comments are closed