Italy: Tahriibayaal badan oo laga soo badbaadiyey badda Talyaaniga

italyItaly-(NN)27/06/2016

Tahriibayaal gaaraya 1153 ayaa Isniintii shalay laga soo badbaadiyey badda dalkaasi Talyaaniga nawaaxiga Jasiirada Sisili (Sicily).

Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa saarnaa doonyo gaaraya 11 oo ka yimid dhinaca dalalka Afrika waxaana dhamaantood laga soo badbaadiyey badda bartamaheeda kadib markii ay doonyihii ay saarnaayeen cilado ku yimaadeen.

Gurmadka loo fididiyey tahriibayaasha ayaa waxaa ka qeyb qaatay maraakiibta dagaalka ee wadamada Talyaaniga, Germany, Ireland iyo waliba doonyo ay leeyihiin hay’adaha samafalada oo qaarkood bilaabay gurmadka loo fidinayo tahriibayaasha.

Qaxootiga ka imaanaya dalalka Afrika ayaa la sheegay inay hada kusii kordhayaan qaxootiga ka yimid wadanka Siiriya oo hada dalalka Waqooyiga Afrika gaar ahaan Masar u taga sidii ay ugu tahriibi lahaayeen Talyaaniga, kadib markii la xiray xaduudaha wadanka Giriiga oo ay horey inta badan qaxootiga reer Siiriya ay mari jireen.

Comments are closed