Magaalada Cadan ee Yemen oo Khaatka Laga Mamnuucay

khadakYemen (NN) 17/05/2016

Dalka Yemen waxaa uu ka mid yahay dalalka aadka looga ruugo khaadka ama jaadka. Jaadka dalalka aad looga cuno ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah dalkeena Soomaaliya ayadoo eed ballaarani ay ka timaado cunidiisa oo uu caafimaadka iyo nolosha qoyska labadaba uu waxyeeleeyo.

Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in laga mamnuucay in maalmaha la shaqeeyo ee asbuuca waa min Sebti ilaa Jimce lagu iibiyo jaadka. Dadka wadankaas kunool ee Yemeniyiinta iyo Soomaalida halkaa daggan ayaa aad u ruuga jaadka.

Waxaa haatan dawlada dalkaasi dooneysaa oo sidaa ay u yeeleysaa in dhaqaalaha dalkaasi sare loo qaado oo laga qabto jaadka oo xaddida firfircoonida shaqaalaha arimaha ijtimaaciga ah ee kalena waxyeelooyin u geysta.

Soomaaliya iyo Jaadka Ayana Maxaa Kala Haysta?

xasanSoomaaliya waxay lacag adag kubixisaa ka ganacsiga jaadka oo uga yimaada dalka Kenya; si ay qaadka uga soo iibsato ayay ku bixisaa lacag caddaan ah waxaana ka faaiideysta dal kale oo il dhaqaale ay u tahay lacagtaasi.

Waa dhibaatada ugu weyn ee xagal daacisa koboca dhaqaalaha ee Soomaaliya waana taas sababta dadka qaadaa dhiga arimaha dhaqaalaha Soomaaliya aysan u ogoleyn in Kenya lacag caddaan ah maalin kasta nooga qaadato caleen aan caafimaadka iyo dhaqanka bulshada u wanaagsanayn.

Waxaa in badan laga hadlay mashaakilka qofka, qoyska iyo qaranka uu ku hayo jaadku kaasoo dadka Soomaalida ahi ku bixiyaan lacag adag oo caddaan ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay dhibaatada uu jaadku ku hayo ummada Soomaaliyeed.

 Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhaqaalaha badan ee Soomaalidu qaadka ku bixiso uu dalku u baahan yahay walow dadka soo waarida ee ka ganacsada ay nolol maalmeedkooda ka raadsadaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in la heli karo wax baddala jaadka oo laga ganacsado faaiidooyina laga dhalin karo. Wuxuuna intaasi ku daray in dawladiisu waddo qorshe tabdiil ah oo jaadka ka ganacsigiisa lagu baddali karaayo kaasoo muuqda.

 

Comments are closed