XOG XASAASI AH: Waqtiga Kama Dambeys la qorsheeyay in wasiirada Jubbaland lagu dhawaaqo

axmedKismaayo-(NN)17/05/2016

Ilo Wareedkeena Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa noo xaqiijiyey in Magaalada Kismaayo ay Xiligan ka socdaan dadaaladii ugu danbeeyey ee Magacaabida Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland,iyadoo Saraakiisha Maamulkaas ay ku mashquulsanyihiin hawlaha la xidhiidha dhamaystirka Dhismaha  Maamulka Jubbbaland.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa cusub Maxmauud Sayid Aadan ayna isla garteen in maalinta Arbacada  Ee 18,May,2016 ka madaxweynaha uu ku dhawaaqo wasiirada cusub,iyadoo Xiligaas uu Socdaal ku tagi doono Madaxwayne Axmed Madoobe Magaalada Muqdisho oo uu ka Farumayo Shirkii Madasha Wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la dhameestiray dhamaan wasiirada oo kaliya ay harsan tahay in lagu dhawaaqo wasiirada cusub ee maamulka Jubbaland.Wasiiro badan ayaa xilalkooda weyn doona, waxaana soo baxaya warar sheegaya n wajiyo cusub ay kamuuqan doonaan liiska wasiirada cusub ee Jubbaland.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo waxaa ka socoto qaban qaabada la doonayo in lagu taageero Maxamuud Sayid aadan oo laga dhigay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

axmed madoobe

Comments are closed