Daawo-Video-Koonfur Afrika: Gacan ka hadal ka dhacay Baarlamaanka

b

K/Afrika-(NN)18/05/2016

Kalfadhigii Baarlamaanka Koonfur Afrika ee Salaasadii shalay ayaa buuq ku dhamaaday kadib markii Xildhibaanada xisbiga Mucaaridka ah ee EFF ay buuq abuureen kadibna si xoogleh looga saaray hoolka shirarka.

Xildhibaanada Xisbiga Mucaaridka ah ee Economic Freedom Fighters (EFF) party oo lagu yaqaan inay dhamaantood soo xirtaan dhar casaan ah xiliga kalfadhiga Baarlamaanka ayaa diiday in Golaha uu khudbad usoo jeediyo Madaxweyne Jacob Zuma oo ay sheegeen in maxkamada dalkaasi ku heshay danbiyo musuq maasuq ah, isla markaana uusan khudbad usoo jeedin karin Baarlamaanka.

Xildhibaanada EFF ayaa udiiday sidoo kale inay hadasho Guddoonka Baarlamaanka, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Zuma inuu iscasilo.

Hase yeeshee arrintan ayaa faraha ka baxday kadib markii illaalada dhar cad ay xoog Baarlamaanka uga saareen xildhibaanada gadoodka sameeyey. Mucaaridka ayaa sheegay in Madaxweyne Zuma mar walba oo uu horyimaado Baarlamaanka ay ku sameyn doonaan rabshadahan oo kale.

Gacan-kahadal-KoonfurAfrika

 

Comments are closed