Dagaal Maalintii Labaad ka Socda Xaafadda Howl-wadaag iyo Hub Culus oo la is-weydaarsnayo

baladweyneBaladweyne (NN) 18/05/2016

Dagaal Culus ayaa Maalintii Labaad ka socda Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana la maqlayaa hub culus oo ay is-weydaarsanayaan maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

Dagaalka maanta oo ka culus midkii shalay ayaa u muuqda mid ay ka Qayb-qaadanayaan gadiidka qoryaha saaran yihiin ee (Tiknikada ah) siddoo kalana hubka leysku adeegsanayo ayaa waxaa ka mid ah Qoryaha garabaha laga rido ee (Baasuukaha) taasoo sii adkeysay xaalada murugsan ee markii horeba ka jirtay xaafaddaha lagu dagaallamayo.

Illaa iyo hadda dhab ahaan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, hasse ahaatee warar soo baxaya sheegaya in bartamaha suuqa Toora-boora ee maalintii shalay dagaalku ka bilaawday yaalaan meydadka dad rayid ah oo ku dhintay iska horimaadkii shalay dhacay.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyna ayaa waxaa soo food saaray saddex arrimood oo kala ah, dagaal, fatahaad uu sameynayo wabiga shabeelle, iyo sicir barar, waxaana muuqata in arrimahan oo is biirsaday sii adkeyn karaan xaalada nolaleed qoysaska dan-yarta ah oo markii horeba ahaan kuwo xoogood ku nool ah.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa ugu baaqaya dhinacyada iska soo horjeeda in ay dagaalka joojiyaan, laakiin ma jirto talaabo intaa dhaafsiisan oo ay qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidammada AMISOM.

 

Comments are closed