DAAWO WAR DEGDEG AH: Rasaas laga maqlay meel u dhaw Aqalka Cad

20160520_222828Mareykanka  ( NN) 20/05/2016

Waxaa lagu soo warramayaa in meel ka baxsan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka laga maqlay rasaas, sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in mid ka mid ah ilaalada madaxtooyada uu nin hubaysan ku toogtay bar koontorool oo u dhaw dhismaha.

Rasaasta awdeedna Aqalka Cad albaabada ayaa loo laabay.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka maqan Aqalka Cad oo ciyaarta golf-ka loo yaqaan ayuu ku dheelayaa deegaanka Maryland.

Booliska ayaa sheegay in rasaastu ay ka dhacday galbeedka Aqalka Cad iyadoo xaaladda dhibanahana aanan la ogeyn sida ay tahay.

Comments are closed