Madaxweynihii hore Benshangul Axmed oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyey Itoobiya  (SAWIRRO)

FB_IMG_1463745346421Addis-Ababa  (ESTV) 20/05/2016

sida uu sheegay xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada deegaanka benshangul gumuz, allah ha u naxariistee madaxwayne Axmed Naasir  oo shalay kugeeriyooday da’da 51 sano ayaaxilka madaxwaynetinimada dawlad deegaanka Benshangul hayay mudo 7 sano ah.  

FB_IMG_1463745341122Wuxuu kale oo ahaa gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Benshangul Gumuz oo ah xisbiga talada deegaanka haya. Wuxuuna ahaa nin aqoonyahan ah oo usoo halgamay siyaasada wadanka iyo ta deegaankaba isagoo kusifoobay karti badni, aqoonyahanimo, bisayl siyaasadeed iyo khibrad dheer oo dalka iyo deegaankaba ah.

FB_IMG_1463745353553Allah ha unaxariistee, marxuumka ayaa degreega 1,aadkaqaatay Jaamacada Haramaya cilmiga agriculturalengineering isagoo Masterkana kaqaatay Jaamacada Hohai ee wadanka Chineseka laga leeyahay oo uu kubartay aqoonta Water Engineering. Wuxuuna soo maray Wasiiru dawlaha Wasaarada Beeraha JDFI iyo waliba wasiir xafiisyo kaladuwan oo heer federal ah.

Marxuumka ayaana ifka kaga tagay xaas iyo hal wiil.

FB_IMG_1463745348701Hadaba Maydka marxuumka ayaa waxaa maanta xarunta dalka ee adhisababa kasii qaaday mas’uuliyiinta ugu saraysa dawlada federaalka ahiyo hogaaminta ugu saraysa dawlad deegaanada dalku kakooban yahay oo uu kamid yahaymadaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.Waxaana aas qaran oo loo dhan yahay loogu samaynayaaxarunta dawlada deegaanka benshangul gumuz ee Assosaoo ah meeshuu kasoo jeeday marxuumku. Naxariis waasac allah hasiiyee.

Comments are closed