Daawo Jubbaland oo yeelanaysa Booliis Tababbar Casri ah la siiyay

kismaayo blsKismaayo (NN) 22/05/2016

Xero lagu tababaro booliska oo ku taal nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu tababar uga socdaa ku dhawaad 400 oo askari oo kamid noqon doona ciidamada Booliska Jubaland, ayadoo 200 oo kamid ah ciidankaasi oo si gaar ah loo tababary uu usoo dhamaaday tababarka lana filayo in dhawaan loo soo xiro.

Tababarka ciidankan ayaa waxaa iska kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedka Jubaland iyo ciidamada AMISOM.

Ciidankan ayaa la siiyay tababarro kala duwan oo la xiriira sugidda amniga dowladda iyo shacabka iyo ka hortagga falalka ka dhanka ah ammaanka, waxaa sidoo kale la baratay  ka hortagga rabashada iyo weliba sidii ay ula dhaqmi lahaayeen dadka rayidka ah.

Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish iyo saraakiil kale oo ka tirsan Jubaland ayaa maanta kormeeray ciidanka ku jira xerada lagu tababaro Booliska ee nawaaxiga garoonka Kismaayo.

Ciidamada ayaa soo bandhigay gaada ka ciyaar iyo xirfadaha dhanka amniga ah ee ay barteen, waxaana bandhigooda qeyb ka ahaa sida ay ula tacaamuli lahaayeen xilliyada ay dhacaan dibadbaxyada rabashada wata.

HALKAN KA DAAWO CIIDAMADA OO DHOOLLA-TURS SAMEYNAYA;

 

Comments are closed