Daawo Madaxweynaha Ma kala diri doonaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

xasanMuqdisho (NN) 22/05/2016

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xeer Madaxweyne ku ansixiyey nidaamka doorashada 2016, kadib markii Baarlamaanka Federaalka ku fashilay inuu ansixiyo qorshahaasi oo dib u dhac ku keentay hanaanka doorashada lagu wado inay dhacdo bisha Agoosto ee sanadkan. 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caqabad ku noqday ansixinta Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee laga soo saaray shirkii 12-kii Abriil ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka. Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isku dayey inay wax ka bedalaan heshiisyadii hore arrintaasi oo keentay cabasho ka timid Maamulada dalka ka jira iyo waliba Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta sheegay in si uu u badbaadiyo dalka go’aansaday inuu maanta ansixiyo nidaamka doorashada isagoo sheegay inuu ka dul tilaabsaday Baarlamaanka si loo illaaliyo midnimada iyo jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliya. Arrintan oo muujineysa heerka uu gaar siisanaa culeyska la saaray dowlada Federaalka.

Xukuumada iyo Baarlamaanka horey u ogolaadeen

Waxaa xusid muddan in Baarlamaanka Federaalka uu qeyb ka ahaa shirkii Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ee laga soo saaray in doorashada 2016 lagu galo nidaamka 4.5, waxaana kulankaasi Baarlamaanka u matalayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo guddi ay dhexdooda iska soo xuleen xildhibaanada Federaalka. Arrintan ayaa keentay in Beesha Caalamka ay siweyn uga hortimaado in Baarlamaanka uu markale ka horyimaado go’aankii ay horey wax uga ansixiyeen xiligii shirkii Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ee 12 Abril.

Khilaafkan ayaa ah mid ku yimid isla gacanta hogaanka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka oo iyagu ahaa kuwii horey u taageeray in doorashada soo socota lagu galo nidaamkii 4.5 oo lagu soo xulayo Golaha Shacabka, halka Aqalka Sare lagu qeybinayo nidaamka Dowladgaboleedyada. Go’aankaasi oo ahaa mid meesha ka saaray in gobalka Banaadir uu metalaad ka helo Aqalka Sare.

In hada ay xildhibaanada qaarkood gaar ahaan kuwa xulafada la ahaa Madaxweyne Xasan ay dood ka keenaan heshiiskii ay horey u ansixiyeen ayaa Beesha Caalamka ugu muuqatay mid wakhtiga lagu luminayo oo ay xukuumada hada joogto wakhtiga ku kororsaneyso.

Dowlada gobaleedyada gaar ahaan Puntland oo horey u diidaneyd nidaamka 4.5 balse lagu khasbay inay tanaasusho ayaa ku tilmaamtay doodan cusub mid jahwareer lagu galinayo dalka.

Go’aanka maanta kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid meesha looga saarayo kala shakigii soo dhexgalay hogaanka dowlada Federaalka, Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka.

Waxaa dhinaca kale soo baxaya warar sheegaya in Barlamaanka Federaalka hada hawshiisii u dhamaatay isla markaana aan la horkeeni doonin wax shuruuc ah oo la xariira doorashada soo socota.

Weli macada in xildhibaanada gadoodka ka waday Baarlamaanka oo intooda badan saaxiibo dhaw la ahaa Madaxweyne Xasan ay tilaabo kale qaadi doonaan taasi oo soo dadajin karta in Madaxweynaha ku khasbanaado inuu kala diro Baarlamaanka Federaalka oo wakhtigiisa sii dhamaanayo, si loo badbaadiyo awooda yar ee u harsan Villa Somaliya intaan la gaarin doorashada.

Xasan-xeer

 

Beesha Caalamka oo iyadu maalgelisa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada illaaliya ayaa todobaadkan digniintii ugu adkeyd dul dhigtay madaxda Dowlada Federaalka oo loo sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay soo faro gelin doono arrimaha Doorashada Soomaaliya hadii aan la ansixin nidaamkii ay Soomaalida horey dhexdooda ugu heshiiyeen.

Comments are closed