Jose Mourinho oo noqonaya Macallinka Cusub ee Kooxda Manchester United ee ka dhisan UK

ukLondon (NN) 22/05/2016

Kooxda Manchester United ee UK ayaa lagu waramayaa in ay go’aansatay inay macallinkooda cusub u magacawdo, Tababarihii hore ee Chelsea, Jose Mourinho, BBCda ayaa arrintan ogaatay.

Waxaa la rumaysan yahay in guddiga maamula kooxda Manchester United ay heshiis is-af-garad ah la gaareen Mourinho ka hor guushii ay xalay ka gaareen kooxda Crystal Palace oo ay 2-1 kaga qaadeen koobka FA-ga.

Go’aanka ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalmo gudahood, iyadoo la leeyahay kooxdu waxay ku wadaa inay ku dhawaaqdo imaanshaha Mourinho bilowga todobaadka soo socda, kaddib markii ay u sheegeen Van Gal, oo 64 jir ah, in waqtigiisii kooxda uu dhamaaday.

Kooxda Manchester United oo uu maamulo Louis van Gaal ayaa ku guuldarraysatay inay u soo baxdo koobka Horyaalada Yurub ee Champions League, iyadoo la filayo in maamulka Old Trafford ay go’aansadeen in isbadel la sameeyo.

bTababarahan u dhashay Holland ayaa qandaraaskiisa waxaa uga harsan muddo hal sano ah, laakiin inkastoo uu £250 milyan ku soo gatay ciyaartoy cusub haddana qaab Ciyaareedkiisa Waxaa ka Niyad-jabay Taageerayaal badan, iyadoo intii uu Hawshaas hayay ay Kooxdu ku dhamaysatay kaalmaha afraad iyo shanaad ee Horyaalka Ingiriiska.

Xilka Van Gaal, ayaa Sannadkan u muuqday mid dayacan xilli Mourinho lagu yaqaan inuu doonayo inuu la Wareego xilka Maamulka Manchester United Saddex Sano, kaddib markii uu xilka banneeyay halyeygii hore Sir Alex Ferguson.

Ugu dambeyn, Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea ayaa xilka ka Qaadday Mourinho bishii Dicember ee sannadkii hore, Laakiin waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu guusha badan kubadda cagta, waxa uuna koobab u qaaday dhowr kooxood oo Yurub ka dhisan.

 

Comments are closed