Kenya oo sheegtay inay dib u eegayso in ciidanka kaga sugan Soomaaliya ay kala baxdo iyo in kale

uhuroKenya (NN) 22/05/2016

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kulan uu la yeeshay Ergo ka Soctay QM ayuu u sheegay in Qoondada Qarashka ku baxa Hawl-galka AMISOM uusan ku filneyn Kenya.

“Ka mid ahaanshaha dalalka ku jira Hawl-galka AMISOM ayuu xusay Kenyatta inaysan AMISOM helayn taageerada ay u baahneyd dhinacyada ilaha iyo qalabyada; wuxuuna QM ugu baaqay inay doorkeeda laballaabto,” ayaa lagu yiri warbixinta Golaha Ammaanka.

“Qarash-dhimistii dhawaan lagu sameeyey taageerada EU ee AMISOM, wuxuu sheegay in doorka Kenya kaliya uu yahay inay dib u tix-geliso inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya,”

Uhuru ayaa sidoo kale difaacay eedeymaha loo jeediyay ciidamadiisa oo ku aadaneyd ganacsiga sharci-darrada ah ee dhuxusha.

Cutubkan ka socda qeybta ugu awoodda badan QM ayaa Kenyatta kala hadlay xaaladda dib u celinta qaxootiga, amniga gobalka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa ciidami gaaraya 3,664 waxay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. Waxayna badi ku sugan yihiin goballada Jubbooyinka.

 

Comments are closed