4-Qof dhimasho Cabud-Waaq xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Malleeshiyaad ku wada-sugan degmada.

cabudwaaqCabud-Waaq (NN) 23/05/2016

Wararka naga soo gaaraya Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Gal-guduud, ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Malleeshiyaad ku wada-sugan degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ilaa afar ruux siyaabo kala duwan loogu dilay maalintii shalay, taasoo keentay in ay halkaa ka abuurto xiisad colaadeed, waxaa jirta cabsi soo food saartay dadka ku dhaqan degmada.

Waxaa Saakay xiran inta badan goobihii Ganacsiga Degmada, madaama wadanaha farta looga hayo dagaal mar kasta dhaxmari kara dhinacyada iska soo horjeeda, madaama ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan malleeshiyaadka.

Horay waxaa sidan oo kale degmada uga dhacay dilal ku saleysan aano qabiil, siddoo kalana waxaa ka dhacay Dagaallo dhax-maray malleeshiyaad ka tirsan Deegaanka taasoo caqabad ku noqotay dadka ku dhaqan Caabud-waaq.

Ugu dambeyntii waxaa jira baaqyo loo jeedinayo dhinacyada Xiisada u dhaxeyso oo laga dalbanayo in ay ka fogaadaan dagaal mar kale dhaca

Comments are closed