Libya: Ciidamada Bada oo qabtay Tahriibayaal badan

#libiyaLibya (NN) 23/05/2016

Ciidamada Bada ee dowlada Liibiya ayaa gacanta ku dhigay boqolaal tahriibayaal ah Axadii shalay xili ay doonayo yar yar ka raaceen xeebta wadankaasi.

Tahriibayaashan oo saarnaa dhowr doonyood oo yar yar ayaa laga qabtay meel aan sidaa uga fogeyn xeebta magaalada Sabratha, waxaana la sheegay in ay gaarayeen dadka la qabtay 850.

Kooxdan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay inay ku jiraan 11 caruur ah iyo ugu yaraan 65 haween ah oo qaarkood xaamilo ahaayeen, dadkan ayaa kasoo kala jeeda wadamo kala duwan oo Afrikaan ah walow aan weli la xaqiijin inay ku jiraan Soomaali.

Dalalka Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay in ay dowlada Liibiya gacan kasiin doonaan sidii loo xakameyn lahaa tahriibayasha wadankaasi kasoo baxaya.

Liibiya-Tahriibayaal-Laqabtay

 

Comments are closed