Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhaawacmeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka

qaraxMuqdisho (NN) 23/05/2016

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska KPP ee degmada Hodan oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Qaraxa ayaa lagu aasay goob ay fariisan jireen Ciidanka Dowladda oo ay ku baari jireen gaadiidka iyo dadweynaha.

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyin dhinaca amaanka, ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacmey qaraxa oo labo kamid ah ay yihin askar. Dadka kale ee dhaawacmay ayaa la sheegay in ay yihin dad rayid ah oo meesha ka agdhowa xilliga uu qaraxa dhacayay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan balse weeraradan oo kale waxaa inta badan geysta ururka mintidka ah ee al-Shabaab.

Comments are closed