Shirweynaha Isimada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Qardho

qardhoQardho (NN) 24/05/2016

Waxaa maanta oo Salaasa ah ka furmay Magaalada Qardho shirka Madasha Wadatashiga Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qayb-galay inta badan Hoggaanka dhaqanka Soomaalida oo ka kala yimid dhamaan deegaanada Soomaalid degto. Waxaana ku sugan madasha in ka badan 100 isim halka khadka telefonka ay uga qeyb galayaan isimo kale oo hada ku sugan dalalka dibada.

Shirweynahan oo ah kii ugu horeeyey oo balaaran oo ay isimada Soomaaliyeed si gaar ah u yeeshaan tan iyo intuu dhacay dagaalkii sokeeye ee burburiyey Qarankii Soomaaliya. Waxaana looga hadlayaa nabadeynta iyo walaaleynta bulshada Soomaaliyeed, isku xirnaanta odoyaasha dhaqanka si ay wada jir uga qaybqaataan dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa gogoshiisa dhigey Boqor Burhaan Boqor Muuse, boqorka Beelaha Daarood, waxaana u bishii May 2014 markii loo caleema saarey xilka uu ballan qaadey in uu casumayo Hoggaanka dhaqanka Soomaalida.

Faah Faahinta iyo Muqaalada dhawaan baan idiin soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

Comments are closed