Daawo SYRIA: Xoogaga Kurdida iyo Mucaaridka oo weerar ku qaaday Raqqa

nSYRIA (NN) 25/05/2016

Ciidamada Kurdida Siiriya iyo maleeshiyaadka Sunnida ah ayaa bilaabay weerar ku aadan caasimada kooxda Daacish ee magaalada Raqqa.

Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, waxaana lagu soo beegay xili hawlgal kan lamid ah uu ka socdo wadanka Ciraaq gaar ahaan magaalada Fallujah.

Magaalada Raqqa oo ku taal Waqooyiga wadanka Siiriya ayey kooxda Daacish heysatay in ka badan 2 sano waxaana magaaladaasi horey duqeynmo xoogleh ulla beegsaday diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ruushka.

Todobaadyadii lasoo dhaafayey ayey maleeshiyaadka Daacish bilaabeen inay xaalad deg deg ah kusoo rogaan magaalada Raqqa iyagoo isu diyaarinaya duulaanka kusoo socda.

Salaasadii shalay ayey dagaalada xoogooda ka dhaceen deegaanka Caynul Ciisa oo 55km u jirta magaaladaasi Raqqa.

Kooxda Daacisha ayaa iyaduna wada weeraro ay ka geysaneyso magaalooyinka dalalka Siiriya iyo Ciraaq, waxaana ugu danbeeyey weerarkii ay ku qaaday todobaadkan magaalooyinka saaran xeebta ee galbeedka Siiriya oo ay ku dhinteen in ka badan 150 qof.

Duulaanka-Raqqa-Siiriya

 

Comments are closed