IRAQ: Ciidamada Dowlada oo khasaaro kasoo gaaray dagaalka Fallujah

falujaCiraaq (NN) 25/05/2016

Ciidamada dowlada Ciraaq iyo maleeshiyaadka Shiicada ah ee duulaanka ku qaaday magaalada Fallujah oo ay gacanta ku heyso kooxda Daacish ayaa la sheegay inuu soo gaaray khasaaro badan.

Hawlgalkan ay sheegtay Dowlada Ciraaq inay ku xoreyneyso magaalada Fallujah oo ay qabsadeen Daacish bilowgii sanadkii 2014 kahor inteysan awoodooda ku balaarin gobalada waqooyi ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Ugu yaraan 35 kamid ah ciidamada dowlada ayaa ku dhintay dagaaladii shalay iyo isniintii lasoo dhaafay, iyadoona la sheegayo in tiro badan oo dad shacab ah ku dhinteen dagaalada.

Qabashada magaalada Fallujah ayaa ahmiyad gaar ah ulleh dowlada Ciraaq kahor inteysan duulaan ku qaadin xarunta ugu weyn ee Daacish oo ah magaalada Mosul.

Ciidamada Ciraaq ayaa taageero dhanka cirka ah ka helaya Diyaaradaha Maraykanka, sidoo kale waxaa la xaqiijinayaa in dhinaca dhulka ay gacan kasiinayaan saraakiil ka yimid dalka IRAN.

Fallujah-Hawlgal2016

 

Comments are closed