Malayshiyaadkii ku dagaalamay Beledweyne oo Xabbad joojin la dhex-dhigay

beledweyne-2Badalweyne (NN) 25/05/2016

Laba Malayshiyo oo ka kala tirsan laba beeleed oo wada dega Beledweyne ayaa maalmihii u danbeeyey dagaalo ku dhex mareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa guuldaraystey iskuday xoog ay dooneen in ay ku joojiyaan dagaalka ciidamada Itoobiayaanka ee Beledweyne ku sugan. Sidoo kale waxaan waxba laga soo qaadin baaqyo Dowladda federaalku ay jeedisey oo ahaa in dagaalka la joojiyo.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Macalim Cismaan oo la hadley VIA ayaa sheegey in xabbad joojin hadda ay ka hrgashey xaafadda Hawlwadaag oo ay ku dagaalamayeen laba Malayshoyo oo kal kala socdey laba belood oo halkaas wada dega. Guddoomiyaha ayaa sheegay hadda in ciidamo la kala dhex dhigay Malayshiyaadkii dagaalamayey.

Dagaalada ka socdey Beledweyne waxaa dheeraa fatahaado webigu ku fataha xaafadaha magaalada, waxaana dadka isugu darsamey laba qax oo kala ah dagaalka iyo fatahaada webiga.

Comments are closed