Muwaadiniinta Mareykanka oo looga Digay in ay safar ku tagaan Somalia oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland

mareykankaMareykanka (NN) 25/05/2016

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinta Mareykanka ah inay booqdaan Waddanka Soomaaliya sababo ay ku xustay hanjabaado dhanka Ammaanka ah oo ka imaanaya kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Sidoo kalena waxay muwaadiniinta Mareykanka ah ku wargelisay in ay ogaadaan khatarta afduubyada dhamaan gudaha Somalia oo ay Somaliland iyo Puntland ku jiraan.

Bayaankan, ayaa lagu xusay in Mareykanka uusan ku lahayn Somalia Safaarad si Rasmi ah uga hawl-gasha, iyadoo Digniintaan cusub ay bedelayso digniin Dowladda Mareykanka ay horay u soo saartay bishii 01-dii Oktoobar, 2015-kii.

Sidoo kale, War-saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in Somalia aysan weli ka jirin Xaalad amni oo la isku halleyn karo, Kooxaha Argagaxisada ah ee Soomaaliya ka Hawl-galana ay weerarro joogto ah la beegsadaan xukuumadda Soomaaliya, AMISOM iyo dhinacyada kale aan ciidamada ahayn.

“Afduubyo, Qaraxyo, Toogashooyin, Jid-gooyooyin sharci-darro ah, Burcadnimo iyo sidoo kale rabshado kale, ayaa ka jira guud ahaan Dalka Somalia, oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland,” ayaa War-saxaafadeedka Mareykanka lagu sheegay.

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in Al-shabaab ay weeraro la beegsato goobaha ay isugu yimaadaan shacabku isugu yimaadaan, sida baararka laga cunteeyo, hoteellada iyo meelaha kale ee ay ku badan yihiin Dadka Reer Galbeedka ah, Ciidamada Soomaaliya ku Sugan iyo saraakiisha xukuumadda Soomaaliya.

“Sannadkii lasoo dhaafay, Waxaa ka dhacay Siddeed Weerar oo lala beegsaday hoteello ku yaalla faras-magaalada caasimadda Somalia ee Muqdisho. Waxaana lagu dilay mid ka mid ah Weerarradaas Muwaadin Mareykan ah. Waxaana Qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ka dhacay qaraxyo kala duwan oo khatar ku ah Ammaanka Shacabka,” ayaa lagu yiri mar kale War-saxaafadeedkan.

Dhanka kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay soo bandhigtay awood ay Weerarro kaga fulin karto Deegaannada ay Dowladda Somalia maamusho; iyadoo sidoo kalena kordhisay bartilmaameedsiga meelaha ay ku sugan yihiin Dublamaasiyiin Ajaanibta ah ee Taageera Xukuumadda Somalia, Wufuuda Caalamiga ah, Qurbo-joogta iyo Ajaanibta booqda Soomaaliya.

Qoraalkaan, ayaa lagu sheegay, in sidoo kale ay Al-shabaab weli Weerarro Madaafiic ah la beegsato Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo Waaxda Duulista Hawada, iyadoo u Adeegsata Weearradeedan Hoobiyeyaal iyo gantaallada garbaha laga rido. Iyadoo la Adkeeyay Ammaanka Guud ee Garoonka Muqdisho, Waxaana la joojiyay Laabtoobyada in lagu dhex-qaato Garoonka.

Ugu dambeyn, Muwaadiniinta Mareykanka – ayaa looga digay inay u dhawaadaan xeebaha Soomaaliya. Sidoo kalena ay ka fogaadaan maraakiibta xamuulka, doomaha kaluumeysiga, goobaha Madadaalada iyo Meelaha kale ee Khatarta ah; Gaar ahaan Xeebaha Caalamiga ah ee Soomaaliya u dhaw, kuwaasoo ay ka imaan karto Khatar ah ay Burcad-badeeddu ku Af-duubeen Ajaanibta ka hawl-gala Somalia, halkaasoo Dadkii lagu Af-duubay Sanado ka hor ay ku jireen laba muwaadin oo Mareykan ah.

Comments are closed