Daawo Doorashada USA: Banaanbax looga soo horjeedo Trump oo ka dhacay New Mexico

newNew-Mexico (NN) 26/05/2016

Murashaxa u tartamaya xilka Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump oo booqasho ku tagay gobalka New Mexico ayaa halkaasi kala kulmay banaanbaxyo looga soo horjeedo oo carqaladeeyey khudbad uu u jeedinayey taageerayaashiisa.

Boqolaal dad ah ayaa isug usoo baxay magaalada Albuquerque ee gobalka New Mexico oo uu booqasho ku tagay murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Ciidamada Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday shacab banaanbax ka dhigayey banaanka xarunta ay ka dhaceysay xaflada lagu soo dhaweenayey murashaxaasi.

Sidoo kale gudaha xarunta xaflada ka dhaceysay ayey rabshado ka sameeyeen qaar kamid ah dadka kasoo horjeeda siyaasada ninkan Maalqabeenka ah oo u tartamaya xilka Madaxweynaha.

Donald Trump oo horey u aflagaadeeyey dadka kasoo jeeda Mexico, Muslimiinta iyo dadka kale ee laga tiro badan yahay ayaa ku eedeeyey banaanbaxyada looga soo horjeedo inay soo abaabuleen taageerayaasha Murashaxa xisbiga Dimuquraadiga ee Bernie Sanders.

Comments are closed