DAAWO Qardho: Maalintii 2aad oo galay Shirweynaha Isimada Soomaalida

qardhoQardho (NN) 26/05/2016

Shirweynaha Isimada Soomaalida oo shalay ka furmay magaalada Qardho ayaa waxaa maanta si gaar ah u yeelanaya Isimada shirkaasi oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin.

Furitaankii Shirweynahan oo ay shalay ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowlada Federaalka, Aqoonyahano, waxgarad, Abwaano iyo marti sharaf kale ayaa waxaa shalay gelinkii danbe lagu doortay shir gudoonka oo ay dhexdooda iska xuleen ergooyinka Isimada ee shirka ka qeyb galaya oo gaaraya 110 isim.

Shirka isimada ayaa hada si rasmi ah u socda iyadoo banaanka looga saaray dhamaan marti sharaftii kale iyo saxaafada, waxaana lagu wadaa in shirka lasoo gaba gabeeyo Khamiista beri ah.

Sida ay noosheegeen qaar kamid ah Isimada, waxaa maanta gelinka hore shirka looga hadlayaa qodobada ama ajendaha shirka oo ay isimada meel isla dhigayaan.

Shirweynahan oo uu madasha u dhigay Boqor Burhaan Boqor Muse ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay si gaar ah iyagu usoo qaban qaabiyaan issimada Soomaalida tan iyo dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya isimo ka yimid dhamaan deegaanada Soomaalida oo ay ku jiraan Jabuuti, DDSI, Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeedka, Galmudug, Hiiraan, Shabeelooyinka, Banaadir, Jubaland iyo Waqooyi Bari Kenya.

Comments are closed