Kenya oo sheegtay inay tiro Xoogagga Al-shabaab ka tirsan ku dileen dagaalo ka dhacay G. J/Hoose

kenyaTaabto (NN) 26/05/2016

Millateriga Kenya, ayaa Sheegay in Dagaal ay Xoogaga Al-shabaab kula galeen Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Somalia, ay ku Dileen 21 ka mid ah Xoogagga Al-shabaab, ayna kaga furteen daagaalka Hub fara badan.

Afhayeenka Millateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab dileen, kuwaasoo uu sheegay inuu ku jiray Hoggaamiyihii Xoogaggii Al-shabaab ee ay Dagaallameen.

“Ciidankeenna oo kasoo tagay Deegaanka Taabto – kuna socday deegaanka Dhoobley ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday, wayna iska caabiyeen, Waxayna Daba-galeen Kooxihii Al-shabaab ee Weerarka ku qaaday, Waxayna ka dileen 21-ruux,” ayuu yiri Col. Obonyo.

Sidoo Kale, Afhayeenka ayaa xusay inay Dagaalkaas Al-shabaab kaga furteen Hub noocyo kala duwan leh. Wuxuuna yiri. “Dagaalka waxaan ku furannay Hub fara badan – 17-qori oo AK-47 ah, bambaanooyin, qoryaha baasuukayaasha ah iyo rasaas fara badan.”

Wuxuu Afhayeenku intaas ku daray in ciidamadooda ay tan iyo sanadkii 2011-kii Xoogaga Al-shabaab kula jireen dagaallo, ayna sii wadayaan illaa intay ka cirib-tirayaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox Argagaxiso ah.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Somalia – 4,000 oo askari oo qayb ka ah Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan [AMISOM], kuwaasoo Dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira ka caawiya Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo weli ka talisa Deegaano ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Al-shabaab oo iyaduna dhankeeda ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay ku dileen askar badan oo Kenyaan ah, sidoo kalena ay kaga gubeen dagaalkan laba ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay ciidamadaasi wateen.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay bartamihii bishaan weerar khasaare badan dhaliyay la beegsadeen Saldhig ku yaalla Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo Keenyaan ah, iyadoo aan weli la garanayn khasaaraha dhimasho ee ciidamada Kenya kasoo gaaray Weerarkaas.

 

Comments are closed