MADAXWEYNAHA SOMALIA: Midowga Afrika Kaalin weyn ayuu ka Qaatay Taageerada Somalia

hasaan2Muqdisho (NN) 26/05/2016

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa sheegay in Midowga Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatay taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo maray.

Khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Xaflad lagu maamuusayay maalinta Qaaradda Afrika oo ku beegan aas aaskii Ururka Midnimada Afrika oo markii dambe loo bixiyey African Union (AU).

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Xusay in Qaaradda Afrika ay Caalamka u muujisay in ay mashaakilkeeda xalisan karto, isla markaana Soomaaliya oo haatan dib u soo kabaneysa ay diyaar u tahay kaalinteeda inay ka qaadato horumarka iyo Nabadda Qaaradda.

“Somalia waxay ka mid ahayd Aasaaseyaashii Urur-weynaha Midowga Afrika. ALLAHA u Naxariistee madaxweynaheennii hore, Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde), Wuxuu ka mid ahaa aabeyaashii Afrika ee dhidibbada u Taagey ururkaan. Somalia waxay gacan weyn ka geysatey xoreynta dalal badan oo Africa ku yaalla, kuwaas oo weli gacanta gumeysiga ku jirey”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Doorkaas ay Soomaaliya Cayaartay Awgeed ay Waddamada Afriaa si weyn ugu soo Gurmadeen, Maantana Waddanku isku diyaarinayo qabsoomida doorashooyin markii ugu horeysa dhaca 47-sanno kadib.

Wuxuu Madaxweynuhu soo hadal-qaaday dagaallada lagula jiro Al Shabaab oo uu sheegay in Guulo la taaban karo laga gaarey. Isagoo yiri. “Al-shabaab waxay weli ku Hawlan tahay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed iyo Dalalka dariska. Waxaa ruux walba uu xusuustaa waxashnimadii Al Shabaab ka geysteen qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah, Weeraradii Westgate, Gaarisa, Kampala & kuwo kale. Waxaan idinku bishaareynayaa in saacad Walba iyo maalin kasta argagixisada uu gabalkooda sii dhacayo, loona geystay guul-darooyin aad u badan.Waan hubàa in goor dhow Al Shabaab laga ciribtiri doono Soomaaliya, Afrika iyo caalamka intiisa kale.”

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa mahad-celin u jeediyay Dalalka deriska ee muddada fog uu dhabar-adeygey culeyska ay kala kulmeen kumanaanka qaxooti Somalia ah oo dalkooda ku nool. Waxaa uu si gaar ah u ammaanay dowladda Kenya oo dalkeeda ku soo dhoweysay kumanaan qaxooti ah, ganacsato iyo ardey.

“Waxaan dhawaan booqan doonaa dalka Kenya, halkaasoo aan madaxda Kenya kala haddli doono qaabka ugu haboon ee qaxootiga Soomaaliyeed dib ugu soo laaban karaan dalkooda, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga iyo heshiiskii Saddex-geesoodka ee Somalia, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR”.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xusay doorka muuqda ee dalalka kale ee beesha caalamka ka cayaarayaan taageerada Soomaaliya.

 

Comments are closed