Shirkii Qardho ee Isimada Soomaaliyeed oo laga soo saaray warmurtiyeed

 qardhoQardho (NN) 26/05/2016

Waxaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba gabeeyey Shirkii Madasha Wadatashiga Hogaamiye Dhaqameedka Soomaaliyeed oo sadexda maalmood ka socday xarunta Dhaqanka ee magaalada Qardho.

Munaasabada xiritaanka shirka Isimada Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kale oo ay ku jireen Culumaa’udiin, Abwaano iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankii maanta ayaa laga soo jeediyey khudbado isugu jiray wacdi ay soo jeedinayeen culumaa’udiinka iyo waliba Abwaanada shirka kusuganaa sida Abwaan Jaamac Kadiye iyo Abwaan Sangub oo intuu shirka socday maansooyin halkaasi ka tiriyey.

Madasha-Qardho-Xiritaan-12Waxaa kulankii xiritaanka shirka hadalo kasoo jeediyey Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo sheegay inay si weyn usoo dhaweenayaan shirkii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay Isimada Soomaaliyeed yeeshaan. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Puntland ayaa ugu mahadnaqay Boqor Burhaan iyo Isimada Soomaaliyeed inay iskood u qabsadeen kulankan taariikhiga ah. Waxayna sheegeen inay ku taageeri doonaan Isimada Soomaalida dadaalka ay ugu jiraan Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed.

“…Qaramadda Midoobay Waxay Aqoonsan tahay In Weli shirkano Kale Ka Dhicin Soomaaliya waana Idiinku Hambalyeyn, Waxaa Ka Kala Timaadeen Soomaliya oo Dhan Hogaamiyayasha Dhaqanku Waa Farsamyaqanadda Dalka Markay Timaado Dib-u-heshiisiinta, Dhisitaanka Xukuumadaha iyo Wax Walba, Halkaan Uma Iman Inaan Siyaasad Ka Hadlo Balse UN-ka Waxay Ictiraafsan Tahay In Odayasha Dhaqanku Muhiim iyo Tiir Adag U Yihiin Dowladnimadda Soomaliya…” ayuu yiri ergeyga Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale kulanka khudbado kasoo jeediyey qaar kamid ah Isimadii kala hogaamineysay wafuudii ka kala timid gobalada Soomaalida degto.

Waxaana ugu danbeyntii halkaasi khudbad kasoo jeediyey Boqor Burhan Boqor Muse oo isagu issimada martiqaadka u fidiyey. Wuxuuna u mahadnaqay Isimada iyo bulshada Soomaaliyeed ee shirka kasoo qeyb galay.

Intaa kadib ayey isimada u ambaxeen goob gaar ah oo uu Boqor Burhan Qado sharaf ugu sameeyey.

 Warmurtiyeedka Madasha Wadatashiga Madax Dhaqameedka Soomaaliyeed 24-26 May 2016 Qardho

Waxaa maalintii Talaadada (Salaasada) ahayd uu shirka Madasha Wadatashiga Dhaqanka Soomaaliyeed ka bilowday magaalada Qardho, waxaana lasoo gaba gabeeyey maanta oo Khamiis ah. Shirkan ayaa looga hadlayey Mideynta iyo horumarinta Dhaqanka Soomaaliyeed.

1- Shir madasha wadatashiga dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqay in [Dagaalkii Sokeeye] uu dhamaaday, hase yeeshee meelaha Qaarkood ay ka jiraan Colaadaha kooban oo u baahan in la joojiyo.

2- IN Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin Hogaanka ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin, waana Soojireen aan dhicin loona baahan yahay in ummada ay ku hogaamiyaan Cadaalad, Sinaan, Nabadeyn iyo Midnimo.

3- Waa in hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ku Midowbaan ku dhaqanka [Shareecada Islaamka] oo ay yeeshaan Gole Dhaqan oo isku xira Dhaqanka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

4- Waa in ay Hogaamiyayaasha Dhaqanka yeeshaan [DALAD] ay ku mideysan yihiin, si ay u gutaan hawlaha loo igmaday, si hufnaan ku jirto iyo Cadaalad.

5- Oday dhaqameedka waxay hawlahooda Dhaqanka ku gudanayaan [Shareecada Islaamka] iyagoo la kaashanaya Culimada, waxay uga baahdaan xaga sharciga Islaamka.

6- Sida aan wada ognahay Qaranimadii Soomaaliyeed waxaa burburiyey [Qabyaalada], kuna baahday bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, sidaa daraadeed waxay ugu baaqeen in ummada Soomaaliyeed ka waantoobaan ku dhaqanka Qabyaalada iyo Quursiga. Kuna dhaqmaan Shareecada Islaamka si ay Adduunka iyo Aakhiroba liibaan u helaan.

7- Waxay ugu baaqeen hogaamiye dhaqameedka dhamaan ummada Soomaaliyeed [Nabadgelyo]. Nabada waa furaha nolosha iyo jiritaanka ummada. Sidaa daraadeed waa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sugida nabada iyo xasiloonida.

8- Waxaan ku baaqeynaa in la helo [Cadaalad] si loo helo sinaan iyo midnimo loo dhan yahay.

9- Waxaa ummada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in musiibooyinka aafeeyey oo ay kamid yihiin; Tahriiba, Xaalufka bada iyo beriga, Nabaad-guurka, Maandooriyayaasha in si wadajir ah looga hortago si loo ciribtiro.

10- Waxaan ugu baaqeynaa Beesha Caalamka iyo Hay´adaha inay gacan kasiiyaan Dowlada Soomaaliya sidii ay u illaalin lahayd [Khayraadka Dalka Soomaaliya bad iyo beriba].

11- Hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinayaa, doorka wax ku oolka ahaa oo ay Beesha Caalamka ay ka qaadatay Dib usoo nooleynta Qaranimada Soomaaliyeed iyo kaalmadii bini´aadamnimo oo ay u fidiyeen ummada Soomaaliyeed. Waxaana laga codsanayaa inay sii wadaan Kaalmada si loo gaaro Qaranimo Buuxda.

Warmurtiyeedka kadib waxay Hogaamiye Dhaqameedka Soomaaliyeed u mahadcelinayaan ummada Soomaaliyeed iyagoo illaahay uga baryaya inuu Colaada, Abaaraha iyo Cudurada kasaaro oo uu quluubtooda isu soo jeediyo, illahayna siiyo Dowlad Caadil ah.

Comments are closed