Daawo Japan: Shirkii dalalka G7 oo looga hadlay awooda Dalalka soo koraya sida China

jaoaneJapan (NN) 27/05/2016

Waxaa lasoo gaba-gabeeyey shirkii labada maalmood uga socday dalka Japan, wadamada horumaray ee G7 oo ka walaacsan hoos u dhaca dhaqaalahooda iyo dardarta dalalka soo koraya sida China.

Kulankan ka dhacay magaalada Ise-Shima ee dalkaasi Japan ayaa ahaa mid diirada lagu saaray hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha wadamada horumaray iyo saameynta ay ku yeesheen ganacsiga sii xoogeysanaya ee dalalka soo koraya.

Inkastoo aan faah faahin laga bixin qodobada ugu muhiimsan oo ay ku heshiiyeen hogaamiyayaashan, balse waxaa lagu xusay warmurtiyeed kasoo baxay shirkooda in ay xooga saari doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa ganacsiga ka dhaxeeya dalalkaasi iyo awoodooda dhaqaale.

Waxaa sidoo kale warmurtiyeedka lagu xusay BAAQ loo diray shacabka dalka UK oo loogu baaqay inaysan ka bixin Midowga Yurub. Shacabka UK ayaa bisha June afti ugu codeyn doona inay xubin kasii ahaadaan EU-da ama inay isaga baxaan Midowga Yurub.

“…Ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub waa mid keeni doona hoos u dhac ku yimaada ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamka…” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay shirkaasi.

Shirka-G7-2016

Hiroshima

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo isagu markii ugu danbeysay shirkan ka qeyb galaya kahor intaan xilkiisa dhamaan, ayaa maanta oo Jimce ah booqanaya magaalada Hiroshima.

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Maraykan ah tago magaalada Hiroshima oo ay ciidamada Maraykanka dagaalkii 2aad ee Adduunka ay ku rideen bambo atoomikada sanadkii 1945tii. Qaraxaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 140.000 qof.

Comments are closed