Donald Trump oo balan qaadey in uu ka baxayo heshiiskii Cimilada Adduunka!

tonalMareykanka (NN) 27/05/2016

Ninka noqonaya Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka baxayo oo waxba kama jiraan ka soo qaadayo heshiisyadii u danbeeyey ee dalka Maraykanku galo ee ku aadan hagaajinta cimilada.

– Haddii aan ku guuleysto xilka Madaxweynaha waxaan ka baxayaa heshiiskii loogu magacdarey Paris climate agreement, ee cimilada adduunka. Sidoo kale waxaan joojinayaa canshuurta dadka Maraykanka laga qaado ee la siiyo Barnaamijka Qaramada Midoobey ee la xiriira isbeddelka cimilada sidaas waxaa yiri Trump, mar uu ka hadlaayey magaalada Saliida qaniga ku ah ee Bismark gobolka North Dakota maalintii Khamiista, kadib wax yar markii uu xaqiijistey ergooyinka looga baahnaa in uu noqdo Musharaxa Jamhuuriga heleyna 1,238 oo ergay.

Sida laga soo xiganayo Trump waxa uu Heshiiskii Paris ee cimilada u arkaa “Qab-qableyn” awood loogu sheeganayo dalka Maraynka sida uu u maamulan lahaa Siyaasadda tamarta.

Trump ayaa sidoo kale ballan qaadey in uu bilaabi doono nolol cusub oo ku aadan saliida dalka Maraykanka, waxaana uu sheegay in awoodda tamarta ee Maraykanka aan laga faa’ideysan weligeed.

Donald Trump ayaa horey looga bartey haddalo loo maleeyo in ay wax u dhimi karaan Musharaxnimadiisa kuwaas oo uu markasta ku helo codad soona jiito dadka caraysan, waxaana dad badan oo codbixyaashiisa ah aaminsan yihiin in uu yahay Musharaxa siyaasad dhulgariir ah ka ridi kara Washington.

Comments are closed