Ginbood Waa Maalin Ahmiyad Weyn Waxey u Leedahay Dhamaan Qowmiyadaha Reer Itoobiya by Ahmed Deeq

Screenshot_20160526-224219Jigjiga ( ESTV) 27/05/2016

Sanad guuradii 25 aad ee 20 ka Ginbood waa maalin ahmiyad wayn uleh dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta reer itoobiyaabaa oo dhan; khaasatan qoomiyadda soomalida usii leh muhiimad gaar ah.

Waxaa maalinta keentay suguda xuquuqaha aas-aasiga ah ee dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha reer itoobiya in ay sinaadaan, waa maalinka u horseeday sanaanta, dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo si siman ooga wada faa’iidaysiga fursadaha siyaasadeed, hormarineed, dhaqaale iyo ismaamul umadax banaan maamulka deegaankiisa ee tastuuriga ah.

20 ka ginbood waa maalinka Gundhiga u ah wada noolaanshaha, isqadarinta, istixgalinta, dhamaan shucuubaha iyo qoomiyadaha reer itoobiyaa taas oo kala duwananshaha qoomiyadaha iyo diimaha ay tahay astaanta gaarka ah ee itoobiyada cusubi ku faanto in si nabadgalyo ah oo walaaltinimo kuwada noolaadaan dadayoowga reer itoobiya oo dhan qomiyadkasta dhaqankeeda, diinteda iyo waxyaabaha gaarka u ah lagu ticgaliyo laguna ixtiraamo.

20ka ginbood waa maalin bog cusub oo taarikheed u horseeday dhamaan dalka itoobiyaa khaasatan deegaanka soomalida oo si gaar ah ay dawladihii hore ee itoobiyaa u cadaadin jireen. In manta soomalidu safka hore kaga jiraan dalka itoobiyaa waxaa keentay 20 ka ginbood natiijadii ka dhalatay.

Qoraal dhamays tiran yaan ka soo qoraynaa 20 ginbood guulha taarikhiga ah ee ay u horseeday dalka itoobiya siguud khasatan deegaanka soomalida. Insha allaah.

Comments are closed