Degmada Awaare oo Siweyn looga Xusay Xuska Sanadguuradii 25-aad Ee 20ka Ginbood MW CMC Oo Furay Kulan-waynihii 7, aad Ee Wadatashiga Xukuumada iyo Shacabka

Ginbood Awaare AWAARE (ESTV) 28/05/2016

munaasabada xuska 25aad ee 20ka ginbood ayaa maanta si balaadhan looga xusay degmada awaare ee gobolka jarar. munaasbadaasi oo ahayd mid si qurux badan loo diyaariyay ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka degmada awaare, ardayda waxka barata degmada awaare saraakiisha ciidamada heerarkooda kala duwan iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada aware.

Hadaba munaasabadan ayaa Waxaa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha degmada awaare mudane cabdiwahaab maxamed shurgi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan xuska 20ka ginbood ee 25 jirsatay wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in maanta ay tahay maalinkii halyeeyda EPRDF ay xukunka katuureen kaligii taliska dhergiga islamarkaana lahelay dimuqraadiyad, cadaalada iyo dastuur ay kudhantahay dhamaan xaquuqihii ay qoomiyad kasta lahayd.

Sidookale waxaa iyana dhankooda kahadlay saraakiisha sarsare ee ciidamada kaladuwan ee kahawlgala  degmada awaare, odayaasha, hooyooyinka, dhalinyarad iyo culumi awdiinka oo dhamaantoodba ay tilmaameen guushii maalinkan timid iyo horumarka ay dhashay.

 

Ugudanbayna munaaasabada ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay

 

Comments are closed